Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Jabuuti (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo  ayaa maanta gaaray Dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono  Madaxweynaha Dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulan kooda uga wada hadli doono xiriirka ka dhaxeeya labada Dal iyo sidii Dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa ladagaalanka kooxda Al-shabaab ee Xiriirka la leh ururka  Alqaacida.

Madaxweynaha Soomaaliya inta uu kugada jiro Booqashadiisa waxaa uu khudbad ka hadleyso xaaladda Dalka ka horjeedin doona Baarlamaanka Jabuuti ,sido kale waxuu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku daah furayo Dekad Cusub

Booqashada Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  uu ku tagayo maanta Dalka jabuuti ayaa naqoneysa tii ugu horeesay ee uu ku tago Dalka jabuuti tan iyo markii ladoortay.