Shirka Golaha amniga qaranka ee dowladda Faderaalka iyo madaxda maamul-gobolleedyada dalka ayaa maanta lugu wadaa inuu furmo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,sida u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.
Shirka Golaha amniga qaranka ee dowladda Faderaalka iyo madaxda maamul-gobolleedyada dalka ayaa maanta lugu wadaa inuu furmo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,sida u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Somaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) oo faah faahin ka bixinaayay shirka wuxuu sheegay inay ka qeybgalayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo saraakiisha ammaanka Soomaaliya.
Wuxuu inta ku darray wasiirka in shirka looga hadlaayo qodobbo ay ka mid yihiin qorshayaasha amni ee ay dowladda Soomaaliya wado,intaas waxaa dheer oo ay hoggaamiyeyaashu ka wada-hadli doonan qodobadii kasoo baxay shirkii London ee Soomaaliya lagu taageerayey.
“Shirkan Golaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu shir guddoominayo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin hirgelinta qorshayaasha amni ee ay dowladda Soomaaliya wado, qodobadii kasoo baxay shirkii London ee Soomaaliya lagu taageerayey waxaana shirkan uu yahay gogol Soomaaliyeed oo uu dhigay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta oo la hadlayay idaacadda dowladda.
Ajandayaasha shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ah bandhigista guullaha laga gaaray qorshaha xasillinta amniga caasimadda Muqdisho iyo dhameystirka qodobbo looga hadlay shirkii golaha amniga qaranka ee kan ka horreeyey oo ay ugu horeysay dhismaha ciidan qaran oo isku dhaf ah.
Shirka maanta furmaya ayaa noqonaya midkii labaad,hoggaamiyeyaasha ayaana bishii April kulan ay Muqdisho ku yeeshen ku dhisay golaha amniga oo u madaxweynuhu hoggaaminayo,waxaana xubno ka ah madaxda dowlad-gobolleedyada dalka.
Shirka oo labo maalin socon doona waxaa guddoominaya madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,waxaana marka la soo gabagabeeyo waxaa lugu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed looga hadlayo qodobbii uu quseeyay arrimaha ay isku afgarteen hoggaamiyeyaasha dalka.