Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda ay ku dadaaleyso sidii loo dhisi lahaa Ciidamo qaran.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso Ciidamo Qaran oo ka shaqeeya difaaca Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu Mahad celiyay Ciidanka iyo Saraakiisha Amisom oo uu sheegay in door weyn ay ka qaateen Xasilinta Dalka iyo dagaalka ay Dowladda kula jirto Al Shabaab.
Waxa uu sheegay in sidoo kale Dowladda ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa degaanada ay hada ku sugan yihiin isla markaana laga shaqeyn doono sidii Al-Shabaab guud ahaan Dalka loogu saari lahaa.
Waxa uu tilmaamay in uu ku dadaalayo sidii Dowladiisa ay u kasban lahayd Kalsoonida Shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shabaab ugu baaqay inay mar kale ka faa’iideystaan cafiska loo fidiyay oo ay isku soo dhiibaan dowladooda ayna dadka shacabka ah ka daayaan dilka iyo dhibaateynta.
Taliska Sare ee Ciidanka Amisom ayaa horay u sheegay in Marka la gaaro sanadka 2018 in Ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya, amaanka guud ee Dalkana lagu Wareejinayo Ciidanka Soomaaliya.