Madaxweyne Farmaajo oo Raali galin ka bixiyay Xarigii loo geystay Qalbidhagax

Ururka ONLF ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu rali gelin ka bixiyay xarigii sanadkii hore loo geystay Sarkaalka ka tirsan Jabhada ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Dowladda Soomaaliya ayaa sarkaalkan bishii September 2017-kii  ku wareejisay Itoobiya kadib markii lagu eedeeyay ka mid ahaanshiyaha ururada Argagixiso, balse dhammaadkii bishii June ee sanadkan ayaa waxaa sii daayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cusmaan oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Ururka raali gelin ka siiyay xarigii C/kariin (Qalbi-dhagax), kadib kulan ay labadooda yeesheen.

 Kulankan oo labada dhinac ay ku yeesheen magaalada Asmara ee dalka Eriteriya ayaa waxa uu dhacay saacadihii dambe ee xalay, iyada oo sidoo kale ay kaga hadleen qorshaha Ururka ONLF iyo waxa ay doonayaan.

“Kulanka wuxuu ahaa mid ku soo dhamaaday guul, waxaan isla gaarnay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo, arrintaas waxaan u maleynaya in golaha wasiirada ay ku dhawaaqeen, balse Baarlamanka ayaa sheegay in Ururka aanu aheyn Argagixiso, Madaxweynaha horeyna wuu u sheegay inuu aqoonsan yahay oo uu racsan yahay go’ankii Baarlamaanka, Madaxweynaha wuxuu inoo sheegay inuu arrintaas ka xun yahay raali gelina ka bixinayo.” Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Cumar.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle aya xaqiijiyay in kulankan uu dhacay, balse ma aanu bixin faah faahin kale oo ku saabsan kulankan.