Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiilkii kusoo Guuleystay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee lagu qabtay Tanzania (Sawiro)

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Maxamed Cabdilaahi Aadan oo kaalinta koowaad ka galay tartanka Qur’aanka kareemka ee lagu qabtay waddanka Tanzania gaar ahaan magalada Daara-salaam.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wiilkan yar ugu hambalyeeyay Guusha uu kala soo laabtay dalka Tanzania, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wiilkan u duceeyay kulana dar daarmay inuu dadaalkiisa halkaas kasii wato.

SAWIRO