Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay la taliyaha dhanka Amniga Qaranka

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa lagu magacaabay La Taliyaha Amniga Qaranka.

Cabdi Saciid Maxamed Cali ayaa loo magacaabay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo.

Hadalkaan waxaa bartiisa Twitterka ku xaqiijiyay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo kulan la qaatay la taliyaha.

Cabdi Saciid ayaa sidoo kale noqday Taliyaha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay IGAD iyo meelo kale.

Cabdi Saciid ayaa dowladdii TFG-da ee lagu soo dhisay Kenya sanadkii 2004, waxaa uu ahaa La taliye dhinaca farsamada, waxaa uu sidoo kale dowladda uu isku xire uu ka ahaa hey’ado badan oo caalami ah.

Mr Cabdi Saciid  ayaa ku dhashay magaalada Jowhar  ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waana aqoonyahan Soomaliyeed.