Madaxweyne Farmaajo oo maanta Waqti badan la qaatay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta waqtigiisa qeyb ka mid ah la qaatay Ciidanka xoogga dalka, lana qadeeyay.

“Waxaan maanta halkan idinkugu imid runtii inaan idin soo booqdo, oo aan arko sida aad u nooshihiin, waxaan idin sheegayaa inaad tihiin astaantii qaranka, maskaxda ku haya, waxaad ilaalisaan Madaxda qaranka iyo shacabka”. Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa arin xusuus mudan ku tilmaayay talaabadii dhawaan uu qaaday Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu hibeeyeen Qoosas dan yar ah.

“Runtii waxaan aad idin kugu mahad calinayaa sidaad usu xilqaanteen ayaan dhaweed oo aad mushaaradiina ugu goyseen dadka masaakiinta ee liinta, waxayna muujineysaa in aad quluubta kala socotaan dadka Masaakiinta ah, waan howsha laga rabo in uu sameeyo qofka Ciidanka ah”ayuu raaciyay Madaxweyne Farmaajo

Qaar ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii la Ciiday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muujiyay niyad samida ay ku abuurtay waqtiga uu siiyay Madaxweynaha maanta oo maalin Ciid ah.