Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu safar ku tago dalka Uganda.
Safarkan uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo dalka Uganda ayaa ahayd mid horay loo sii shaaciyay waxayna kamid ahayd safarada u Qorsheysan madaxweyne Farmaajo kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, siyaasada, ammaanka, iyadoo Uganda ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Sidoo kale booqashada uu Madaxweynaha ku tagayo Uganda ayaa noqoneysa tii afaraad oo uu ku tago wadamada gobolka, isagoo horay u booqday dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo dhamaan ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa sanadkii 2011, isagoo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare inuu Kampala u tagay heshiiskii la magac baxay Kampala Accord ee sababta u ahaa inuu is casilo, kaddib markii ay is qabteen madaxdii xilligaas, iyadoo dowladda Uganda ay soo fara gelisay khilaafkaas.