Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xalay Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kula kulmay tiro Xildhibaano ah oo ka mid ah kuwii xilka ka qaaday madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf.

Kulanka oo ahaa mid uu horay u dalbaday Madaxweyne Farmaajo ayaa waqtigii loogu talo galay oo aheyd maalin ka hor dib-u dhacay sababo la xiriira dhanka Madaxtooyada.

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kana mid ah Xildhibaanadii la kulmay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka wada hadleen qaabkii uu ku soo bilaawday khilaafka Galmudug iyo Wadada ay u mareen xilka qaadistii Xaaf.

Sidoo kale waxaa Wararka intaas ku darayaan in xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ay ku adkeysteen in ay galayaan Bartamaha Bishaan doorashadii loo balan sanaa ee Madaxweynaha Galmudug.

Kulan labaad ayaa la shaaciyay in markale la isugu imaan doono si xal looga gaaro khilaafka dhex yaalla Madaxda Maamulka Galmudug.