Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmajo oo la kulmay Wasiir Socdaalka Canada oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo heysta dhalashada Canada.
Madaxweynaha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Farmajo ayaa magaalada London kula kulmay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada xildhibaan Ahmed Hussein oo ah muwaadin somali-Canadian ah islamarkaana ka qeybgalay shirka looga hadlayay arrimaha Somalia ee lagu soo gebagebeeyey xarunta Lancaster house.
Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda canada siiso Somalia.
Madaxweynaha soomaalliya mudane mohamed Cabdullahi Farmajo ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda canada islamarkaana ay muujineyso dedaalka uu muujiyey waxa uuna uga mahadceliyey dowladda canada taageerada joogtada ah ay la garab taagantahay shacbiga Soomaaliyeed.
Wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada mudane Ahmed Hussein ayaa ballanqaaday inay dowladda canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka soomaaliyeed isagoo farta ku fiiqay in xukuumadda Canada ay malaayiin doollar ku bixisay gurmadka abaaraha iyadoo laga jawaabayo baahida iyo dhibaatooyinka abaaraha iyo macluusha saameysay malaayiin qof oo ku sugan geeska afrika si dadkaas u helaan cunno iyo biyo nadiif ah.