Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Madaxda Ahlu-sunna (sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay madaxda Ahlu-sunna iyo wafuuda la socotay Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha oo ka mid ah Guddiga qeyb ka ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, iyo Xildhibaano.

Kulankan ayaa looga hadlay dar dar gelinta wada hadalada Muqdisho uga socda Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana kulanka laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ku aadan wada hadalada iyo sidii uu u guuleysan lahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay inuu guuleysto wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna.

Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu soo gaba gabeynayo wada hadalada iyo saxiixa heshiiska lagu mideynayo Ahlusuna iyo Galmudug oo dhowaan dhici doona.

Waxaa la filayaa in 30ka bishan ay ka dhacdo doorashada maamulka Galmudug magaalada cadaado taasoo haddi wada hadaladan ay noqdaan kuwa guuleysta waxaa doorashada lagu biirin doono maamulka Ahlu-sunna oo qayb ka noqon doona doorashada.