Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Isma’il Kahraman (Sawiro)

Madaxeynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo ku sugan wadanka Turkiga ayaa maanta la kulmay gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga Isma’il Kahraman yagoona kulankooda diirada ku saaray sidii loo sii xoojin lahaa xariirka ka wada dhaxeeya Turkiga iyo dowladda Soomaaliya.

Kulan ayaa waxaa kor joogayaal ka ahaa qaar ka tirsan golaha baarlamaanka Turkiga iyo wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan dalkaasi Turkiga.

Madaxweyne Farmajo ayaa ugaga mahadceliyay dowlada Turkiga howlaha kala duwan ee ay ku taageerto dalka Soomaaliya waxana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed gargaarka ay marwalba la garab taagan yihiin dowlada Turkiga walalahooda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Kahraman ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu la kulmo Madaxweyne Farmajo oo dhowaan ku guuleystey doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Kulankan kadib ayuu Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhigay ubax beerta nasashada ee lagu maamuuso hogaamiyihii weynaa ee aasaasay dowlada Turkiga Ataturk.

Madaxweyne Farmajo oo ay tahay booqashada uu ku tegey dalka Turkiga tii ugu horeysay ee uu ku tago tan iyo markii uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweyne Ordegan waxaana la rajeynayaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo wax ku ool ah kuwaas oo la filayo inay Soomaaliya faa’iido u leeyihiin dowladda Soomaaliya.