Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah isagu yeeray Saraakiisha Amniga

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hada waxa uu kulan kula leeyahay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa madaxweynaha waxa uu Saraakiisha amniga kala hadlayaa sidii loo dardargelin lahaa amniga Caasimadda kaas oo hada ka wanasgan xiliyadii la soo maray.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay u bilaabi la haayeen howlgal ka dhan ah AL-Shabaab.

Maalinimadii shalay ayay duulaan ku qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM Deegaano ka tirsan  Gobolka Shabeellaha Hoose kuwaasoo ay maamulayeen ururka Al-shabaab.