Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Kulamo la yeesho Taliyayaasha ugu sareeya Ciidamada Qalabska sida sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaas warbixinno ku saabsan diyaargarowga ciidanka uga dhageysan doono Taliyeyaasha ugu sarreeya Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn go’aano lasoo gaari doono Taliyayaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya kuwaas oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay ugu duuli lahaayeen deegaanada ay ku suganyihiin Al-shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii lasoo dhaafay iclaamiyay dagaal lala galo Al-shabaab waxa uuna Safaro kala duwan ku tagay Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo ay isla soo meel dhigeen duulaan ka dhan ah Al-shabab.



