Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta ku wajahan magaaladda Djabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay socdaalka Madaxweynaha ku tagayo Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalkiisa ay salka ku heyso xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha Gobolka ka jira.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee jabuuti waxaa qeyb ka noqonaya Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka,Magaaladda Jabuuti ayaa laga dareemayaa qaban-qaabadda soo dhaweynta.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Labada Madaxweyne ay qadka taleefanka kulan ku yeeshaan, ayna kawada hadleen mad madowga siyaasadeed ee labada dal soo kala dhex galay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intuu uu ku sugnaa Magaaladda Asmara bishii aynu soo dhaafnay Qaramadda Midoobay ka dalbaday in cunaqabeynta hubka laga qaado Dowladda Eritreia.
Dowladda Jabuuti ayaa si caro leh uga jawaabtay codsi uu Madaxweyne Farmaajo, ka jeediyey magaalada Asmara, kaasoo ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009.
Qoraal kasoo baxay safaaradda jabuuti ee Magaaladda Muqdisho ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Eritrea.