Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in la sameynayo Ciidanka Difaaca dadweynaha, qofwalba oo Soomaali ahna looga baahan yahay in qori uu qaato, si Shabaab loola dagaalamo.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inta Shabaab ay dalka joogaan inaan xor la aheyn, lana doonayo in hal meel looga soo wada jeesto, isaga oo sidoo kale sheegay Shabaab in dalkan aysan u heyn nolol.

Farmaajo ayaa sheegay Barnaamijkan cusub Dowladda in ay ugu tala gashay 14 Milyan, oo lagu bilaabayo, wuxuuna tilmaamay in la sameynayo xarumo lagu xareeyo ilmaha agoonta oo ay ugu horeeyaan kuwii waalididoontooda lagu dilay Qaraxii Zoobe.

“Ciidanka Difaaca waxaa kow ka ah shaqaalaha Soomaaliyeed, shaqaalaha rayidka, idinka shacabka Soomaaliyeed, qof walba waa in uu qeyb ka qaato difaaca dadweynaha, hadaynan is difaacin Shabaab haday soo galayaan.” Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa mar kale yiri “AMISOM way mahadsan yihiin intii Askariga Afirkanka ah wadadnka u dhimanaya adiga maxaad sameyneysaa, adiga miyaa lagu difaacaa, maya maya anagaa is difaaceyna, Hooyooyinkeen iyo gabdhaheena waa inaan difaacanaa, halaisku diyaariyo difaaca dalka.”

Hadalkan ayuu ka sheegay Madaxweynaha Soomaaliya kadib khudbad uu ka jeediyay Banaanbixii ugu balaarnaa oo maanta ka dhacay magalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonka kubadda Cagta ee Banaadir Stadium.