Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho , waxaana uu kusii jeedaa Magaalada London ee dalka Ingariiska.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa raacay Diyaarada Turkish Airline oo sidoo kale dad shacab ah ku safrayeen, waxaana Madaxweynaha iyo Wfadiga la socda dalka Turkiga kasii raaci doonaan diyaarad kale oo kusii jeeda magaalada London.
Wafdiga la socday Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiirka Gaashaandhiga ,Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koofur Galbeed , Hirshabeelle iyo Galmudug iyo masuuliyiin kale, waxa ayna ka qeyb galayana shirka 11-ka bishan ka furmaya London.
Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa horey usii sagootiyay wafdiga la socda Madaxweynaha Soomaaliya ee u duulay magaalada London, waxaana Safarka maanta ku baxay Madaxweynaha uu noqonayaa kii lixaad uu dalka uga baxo tan iyo markii la doortay.
Madaxweyne Farmaajo oo dhoor safar horey uga baxay Muqdisho ayaa raacay diyaarado gaar ah ay usoo direen wadamadii uu kusii jeeday, hasa ahaatee safarkan ayaa Madaxweynaha la sheegay in uu ku safray diyaarad caadi ah ay saaran yihiin dad shacab ah.