Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Uganda (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Goor dhow ka gaaray dalka Uganda.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Uganda ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Waxaa lagu waddaa in Madaxda Uganda uu kala hadlo sidii looga taageeri lahaa dagaalka Al-Shabaab.

Safarka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ku wehlinaya xubno katirsan golaha Wasiirada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Booqasho 4 Maamil ah uu ku soo qaato wadamada Gobolka asagoona kala Hadli doona Sidii looga taageeri lahaa Dagaalo uu doonayo dhawaan inuu ku ku qaado al-shabaab.