Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Koonfur Afrika..

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa caawa saqdii dhexe gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha dibadda iyo agaasimaha cusub ee Madaxtooyada waxaa soo dhoweeyay safiirka Somalia ee South Afrika Jamaal Maxamed Barrow iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada K/Afrika, waxayna Berri magaalada Pretoria uga qeyb gali doonaan caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa.

Wararka aya sheegay inta uu Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay dalka K/Afrika inuu kulamo la yeelan doono jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

Halkan Ka Daawo Safarka Madaxweyne Farmaajo..