Madaxweyne Farmaajo oo Aqbalay Casuumad Booqasho oo uu ka helay Madaxweynaha Masar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Masar  Engineer Shariif Ismaaciil kadib Gabagabadii Shirkii London.

Ra’iisul Wasaaraha Masar ayaa sheegay in uu hor dhigay Madaxweyne Farmaajo Casuumaad uu u wakiishay Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Siisi oo ku aadan in uu booqasho ku tago Masar, si ay uga wada hadlaan labada Madaxweyne Xiriirka Labada Dal , iyo falanqeynta xoojinta Iskaashiga labada Dal  oo dhinac weliba leh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka rajeeyay Masar in ay ka taageeri doonto habraaca sidii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii ka soo baxay Shirka London.

Waxaan Ra’iisul Wasaaraha Masar Engineer Shariif Ismaaciil uu ku nuux nuuxsaday in dowladdiisa ay ka taageeri doonto Soomaaliya taageerada horumarineed  iyo la dagaalanka wax uu ugu yeeray Argagixisada.

Soomaaliya iyo Masar ayaa sidoo kale ka wada hadli doono Abuurida Fursado waaweyn sida isdhaafsiga Ganacsiga, Iskaashiga Dhaqaale oo dhinacyo kala duwan leh sida Beeraha , soo saaridda Batroolka iyo Gaaska, Kalluumeysiga , Waxbarashada , kala dhoofsashada Hilibka iyadoona Masar ay daboolka ka qaaday in dadka Sooamaliyeed ay siin doonto Xirfado Farsamo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Masar ayaa intaas sii raaciyay in Ganacsato Masaari ah ay soo booqan doonaan Magaalada Muqdisho si ay ugu kuur galaan arrimaha ay Iskaashiga kala sameyn karaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn  Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa soo dhaweeyay Casuumaadda Dhigiisa Cabdifitaax Al Siisi isagoona bogaadiyay doorka Xiriirka  Taariikhiga ah ee labada Dal iyo Kaalinta wax ku oolka ah ee Masar ay ka ciyaartay Arrimaha Soomaaliya, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu uga Mahad celiyay Madaxweynaha  Masar Kaalmada Beni’aadanimo ee Masar ay u soo dirtay Walaalahooda Soomaaliyeed.