Madaxweyne Farmaajo “Maamul Goboleedyada dalka waa in ay la shaqeeyaan Dowladda Dhexe”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan dalka ka jira oo marba marka ka dambeysa kor u sii kacaya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Xasilooni Siyaasadeed iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu xusay in Beesha Caalamka iyo dowladdaha kale ee taageera Soomaaliya aysan muhiim ahayn in ay dhex dhexaadiyaan dadka Soomaaliyeed khilaafkoodana ay xaliyaan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan dowladda dhexe si guul looga gaaro Siyaasadda Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta laga doonayo in meel ay ugu soo wada jeestaan sidii loo qancin lahaa Madaxda iyo Shacabka Soomaaliland.

“Midnimadu waa muhiim, qof walba oo Soomaaliyeed waa inuu u taagnaadaa midnimada, marka aan isku duubannahay cidna nama soo dhexgeli karto, maamul goboleedyada waxaa looga baahan yahay in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan dowladda dhexe.” Ayuu yiri Farmaajo.