Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii ay ku joogeen dalka Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Geelle, isagoo khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka, waxaa uu maanta ka qeyb galay dhagax dhigga deked cusub ay yeelaneyso dowladda Jabuuti
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa aheyd tii u horeysay, tan iyo markii xilka loo doortay iyo booqashadii 3aad ee dalalka deriska uu ku tago.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa galabta u ambabaxay dalka Qadar, kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Boqorka dalkaas Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotomo sidii dowladda Soomaaliya ay taageero amni iyo mid dhaqaale uga heli lahayd dalka Qadar oo lagu xanto inay taageertay doorashadii uu ku guuleystay.
War qoraal ah oo uu bartiisa Facebook soo dhigay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu ku difaacay safarada badan Madaxweynuhu galay illaa hada, taasoo dad badan doodo iyo su’aal ka keeneen, maadaama Madaxweyne Farmaajo xilligii uu ololaha ku jiray ku dhaleeceeyay safarada badan ay galeen Madaxdii hore, isla markaana ku tilmaamay kuwo aan macno laheyn, balse waxaa uu hada ogaaday inay safaradaas yihiin lagama maarmaan.
“Annaga oo ka faa’iideysanayna taageerada iyo niyad samida shacabka Soomaaliyeed ay dowladdooda u muujiyeen iyo beesha caalamka oo u aragta in ay Soomaaliya heshay hoggaan lagu kalsoonaan karo, waxaan garaaceynaa albaab walba oo aan isleenahay waxbey idin kala qaban karaan la dagaallanka nabadgalyo xumada iyo saboolnimada”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bishan gudaheed galay safaro dhowr ah, sida Itoobiya, UK, Sacuudiga, Jabuuti iyo Qadar oo uu hada booqanayo, waxaana uu dalalka qaar kaga qeyb galay shirar muhiim ah.
Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa Qadar ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana la kulmi doonaan wasirrada dhiggooda ah.