Waxaa maanta lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo safarkan ayuuna ku aadi doonaa dalka Turkiga.
madaxweynaha ayaa lasoo sheegayaa inuu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan, waxa ayna booqashadan timid kadib markii labada Madaxweyne dhawaan kuwada hadleen Khadka Telfoonka, Farmaajo ayaana ugu hambalyeeyay Erdogan wax ka badalka lagu sameeyay dastuurka dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu joogo dalka Turkiga la kulmi doono Masuuliyiin katirsan Dowlada dalkaasi uu ku jiro Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan, waxa ayna kawada hadli doonana xoojinta xariirka labada dal iyo arimo kale oo muhiim ah.
Safarka maanta Madaxweyne Farmaajo dalka uga baxayo ayaa noqonaya kii shanaad uu dalka uga baxo mudo sedex bil gudahood ah.