Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru oo Kawada Hadlay Xiisadda Darbiga Baladxaawo

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Uhuru Kenyata ayaa kawada hadlay xiisada ka taagan Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyo joojinta dhismaha Darbiga.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Jubba-land Maxamad Muxumad Maxamad oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shalay galinkii hore ee labadda Madaxweyne taleefanka kuwada hadleen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Maamulka jubba-land Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) ay arintaan ka hadleen.

Waxa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u xilsaartay in 27-ka bishaan uu la kulmo wafdi ka socda Dowladda Kenya si loo hakiyo dhismaha darbiga.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ayaa dhul boob xooggan ka waday Degmadda Beledxaawo, iyagoo gudaha u soo galay degmadaas, si ay u dhameystiraan darbiga ay ka dhisayaan xuduud beenaadka.