Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inuu Shir-sannadeedkooda maanta uga furmo magaalladda Suweymah ee kaabiga ku haysa Badda Dhimatay (Dead Sea) ee dalka Urdun
Kulankaasi ayaa lagu wadaa inuu furmo 11-ka barqanimo ee maanta, waxayna Hoggaamiyayaasha kaga hadli doonaan Xalinta Colaadaha ay Kooxaha Daacish iyo Alqacida ka wadaan dalalka Carabta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah 22-ka Hoggaamiye ee ka qeyb geli doona Shirkaasi oo diiradda lagu saarayo Xiisadaha ka aloosan dalalka Carabta, gaar ahaan Somalia, Syria, Yemen, Iraq, Iiran iyo Libya.
Boqorka dalka Maroko, Maxamedka 6-aad ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galayo Shirka Carabta tan iyo sannadkii 2005-tii.
Wafuudda Caalamiga ee ka qeyb geli doonta Shirka Carabta waxaa ka mid ah Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres iyo Wakiilkiisa Gaarka ee Arrimaha dalka Syria, Staffan de Mistura, waxaana Shirkaasi lagu casuumin Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Alasad, maadaama Xubinnimadda Dowladda Syria ee Ururka Jaamacadda Carabta laga saaray sannadkii 2011-kii.
Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu shalay ugu baaqay Madaxda Carabta inay meel iska dhighaan Khilaadkooda ku aadan Colaadda dalka Syria, oo ay ku naf waayeen in ka badan 320,000 oo qof, kuna barakaceen Malaayiin kale.
Xoghayaha Guud ee Ururka JC, Axmed Abu Khayt waxa uu isagana ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Carabta inay door muhiim ah ka qaataan sidii xal loogu heli lahaa Dagaalka Syria, oo uu ku tilmaamay inuu noqday Xiisadda ugu xun ee ka jirta Mandiqadda.
Dhinaca kale, Shir Madaxeedka Carabta ee maanta ka furmayo dalka Urdun ayaa la filayaa in la soo hordhigo War-murtiyeed qabyo ah oo lagu cambaaraynayo Qorshaha Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee uu ku doonayo inuu Safaaradda Maraykanka ku leeyahay Yuhuudda loo soo wareejiyo magaalladda Quddus-ta la-haysto