Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo Warbaahinta la hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho & Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhow Warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyadda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta booqasho  uu ku yimaado Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in booqashadda Abiy Ahmed ay tahay mid taariikhi ah oo xoojin doonta xirirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in labadal uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in booqashadiisa ay salku ku heyso sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadal.

Sidoo kale waxaa uu xusay in labadal dal ay iskashaadan doonaan la dagaalanka Argagixisadda ,islamarkaana Itoobiya dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto la dagaalanka Shabaab.

Sidoo kale labadda hoggaamiye ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan dhanka Waxbarashadda, Caafimaadka, Ammaanka iyo Kabaayaasha dhaqaallaha

Warbaahinta Goobsan kala Soco Wararkii U danbeeyay ee Dunida
SHARE