Madaxweyne Deni “Villa Somalia waxay ku fashilantay sugidda amniga wadada Makka Al-mukarrama oo keliya”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka hadlayey shir jaraa’id ayaa dhaliil culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay ku fashilantay arrimihii loo doortay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gebi ahaanba ku fashilantay amniga dalka isagoo tusaale u soo qaatay in ay sugi la’dahay amniga wadada Makka Al-mukarrama oo keliya ha hor inta aan la gaarin qeybaha kale ee magaalada Muqdisho iyo gobolada ka baxsan.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in Villa Somalia  ay marin-habaabisay Dastuurkii dalka iyo nidaamka Federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay iyo in ay ku tumatay awood-qeybsiga beelaha islamarkaana leexsatay dhammaan deeqaha caalamku bixiyo ee lagu qaaato magaca Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in malaayiin Dollar oo magaca Soomaaliya lagu qaato aan ilaa iyo haatan la garan meel ay xukuumadda Federaalku geysay isagoo xusay in shirarka isla xisaabtanka ee deeq-bixiyaasha lagu soo bandhigo malaayiin Dollar oo Soomaaliya la siiyay balse aan soo gaarin dadkii loogu tala-galay.

Mudane Deni ayaa sidoo kale xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay mas’uul ka tahay wada-shaqeyn xumada kala dhexaysa madaxda dowlad goboleedyada maadaama sida uu sheegay ay maroorsatay arrimihii la wadaagay oo aan wax talo ah laga siin gobolada.

Isagoo sii hadlayey ayuu ku cel-celiyay in dalku uu jiho qaldan ku socdo oo wax badan xumaadeen mudadii ay xilka haysay xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu ku taliyay in si dhab ah loo wajaho xaaladda waddanka.

GOOBSAN MEDIA INC