Madaxweynaha Xasan Shiiq oo shir Guddoomiyay shirka maalgelinta Howlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo lagu qabtay magaalada New York, kaasoo diiradda lagu saaray maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo la doonayo in la helo taageero dhaqaale oo joogto ah.

Ujeeddada Shirkaan ayaa ahaa in lagu falanqeeyo Baahida degdegga ah ee loo qabo maalgelinta Hawlgalka AUSSOM, Dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS), Xoojinta madax-bannaanida Soomaaliya iyo xasilooni siyaasadeed iyo La jaanqaadka qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya (ama “security transition”).

Shirka waxaa ka soo qeybgalay Wakiillo sare oo ka socday Midowga Afrika, Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, UK, IGAD iyo Deeq-bixiyeyaasha dhaqaalaha.

Waxaa la isla qaatay in loo baahan yahay kabka miisaaniyadeed si hawlgalka AUSSOM u sii shaqeeyo si hufan.

Qorshayaal cad ayaa laga soo bandhigay sida taageeradaasi loo hirgelin karo, Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigtay qorsheyaasha lagu xoojinayo hay’adaha amniga, Awoodsiinta ciidamada Soomaaliya ayaa noqotay tiir muhiim ah oo laga dooday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu carabka ku adkeeyey in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero dhaqaale oo joogto ah si loo xaqiijiyo amniga, loona dhiso ciidan qaran oo awood u leh in uu dalka difaaco.

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey saaxiibbada caalamka doorkooda firfircoon, kuna dhiirrigeliyey inay sii wadaan taageerada xilligan kala guurka ah.