Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Safar ku tagaya magaalada Baydhabo

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu Maanta u safro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha dalka ayaa ka socota magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin hordhac u ah wafdiga madaxweynaha oo shalay gaaray magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa Baydhabo kula kulmaya madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegaya inuu xogo ka dhageysan doona xaaladda abaarta ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, maadaama safarkiisa uu ku wehlinayo Ergayga u qaabilsan arrimaha gargaarka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Safarka madaxweyne Xasan ee Baydhabo ayaa noqonaya safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya 15-kii bishaan May 2022, waxaana la tilmaamaya in madaxweynaha uu safaro kale ku tagi doono xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

Jabril Yahye Isse                                                                                                          Goobsan Media Inc.