Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Mareykanka Donald Trump

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay dhigiisa madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo Xalay casho sharafeed ku maamuusay Madaxda ka qaybgashay meertada 80-aad ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid noqday Madaxda sawir xusuuseedka la gashay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Marwadiisa kadib markii Aqalka Cad lagu casuumay.

Casha sharafta ayaa ahayd mid lagu muujinayay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, islamarkaana lagu dhiira gelinayay wada shaqeynta caalamiga ah ee ku saleysan nabad, horumarka iyo la dagaallanka caqabadaha dunida ka jira.

Sida caadada u Maraykanka ah marka uu soo dhamaado kulanka guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkiiba mar la qabto dalkaas waxa uu madaxweynaha xafiiska joogta uu kulan casho ah u sameeyaa masuuliyiinta kala duwan ee kasoo qeyb gasha kulanka.

Kulanka Casho iyo sawirka ee Xalay kasoo wada muuqdeen madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Maraykanka ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay madaxweynaha Mareykanka uu Soomaaliya ku tilmaamay dal xun oo aan dowlad laheyn.

Ugu dambeyntii madaxda ka qaybgashay shirka Qaramada Midoobay ayaa lagu wada in saacadaha soo socda ay dib ugu laabtaan dalalkooda, maadama kulanka casho sharafta uu ahaa ganaanudka meertada 80-aad ee Qaramada Midoobay.