Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galay shirkii Madaxda dalalka Islaamka iyo Mareykanka (Sawirro)

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay shirka Madaxweynayaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareekanka Donald Trump Kaasoo uu marti galiyay Boqorka Sacuudi Carabiya ee Boqor Salmaan.

Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay ee noociisa ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskaashi dhex mara labada dhinac, la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, xagjirnimada iyo sidii maalgelin loogu heli lahaa la dagaalanka kooxahaas.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa furay shirka, isagoo ka hadlay sida Sacuudiga uga go’an tahay inuu la dagaalamo argagixisada iyo in la abuuro iskaashi dhex mara dalalka Islaamka iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Madaxda Carabta inay la dagaalamaan Xagjirnimada, isla markaana argagixisada ka saaraan dhulkooda.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Mareykanka uu qaabilo Madaxda ka socota dalalka Islaamka oo mid mid ula kulmi doono, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda la kulmi doona madaxweyne Trump.

Halkaan Ka daawo Sawwirada Farmaajo oo shirka u fadhiya