Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed c/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Baydhabo.
Safarka uu ku tagayo madaxweynaha magaalada Beydhabo ayaa waxa uu salka ku hayaa u kuur galida xaalada amni ee magaalada Baydhabo iyo xaalada abaaraha ka jira Gobolka Bay.
Waxaana si wayn loo adkeeyay amaanka magaaladaas ayadoo la amray gaadiidka dadweynaha inay socodka yareeyaan ciidanka amaanka Baydhabana waxay muujinayaan foojignaan ku aadan dhanka amaanka ee magaaladaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayay u noqon doontaa Safarkiisa ugu horeeyay oo ugu amba baxo dalka gudahiisa tan iyo marki la doortay ayadoo madaxweynuhu dhowr safar horay ugu baxay dalka dibadiisa.