Madaxweynaha Puntland oo dalbaday in baaritan lagu sameeyo Qaraxyo la sheegay inay dowladda Qatar ka dambeysay.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka dalabday inuu baaritaan ku sameeyo dowladda Qatar oo lagu eedeeyay inay ku lug leedahay qaraxyo ka dhacay magaalada Boooaaso.

Madaxweynaha Puntland oo maanta furay Bandhigga buugaagata ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay in warbixinta uu qorauy wargeyska New York Times ay u baahan tahay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo si xaqiiqada loo ogaado.

Wargeyska New York Times ee ugu afka dheer Dalka Mareykanka ayaa qoray warbixin fadeexad ku ah kaalinta dowladda Qatar ee dalka Somalia, kadib markii uu soo bandhigay Cod sir ahaan looga duubay Ganacsade ku dhow amiirka dalka Qatar Tamim Bin Hamad o telefoon kula hadlay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, isagoo u sheegaya in qarax bishii May ka dhacay magaalada Boosaaso ay ka dambeeyeen saaxiibada Qatar si Imaaraadka looga eryo magaaladaasi.

Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar iska fogeysay balse waxay abuurta in loolanka dalalka Khaliijka ee Somalia uu gaaray inay isu adeegsadaan kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya ka howlgala oo horeba Imaaraadka ugu eedeyn jiray inay Qatar lacag siiso