Madaxweynaha oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu bilowday Abaabulka dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee dagaalada iyo qaraxyada ka gaysta gudaha dalka Soomaaliya,
Madaxweyne Farmaajo  oo Warbaahinta kula hadlayay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga dulqaado dhibta ay argagixisadu ku heyso shacabkeena.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sidoo kale cafis u fidiyay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ka soo laabtay fikirkoodii iyo ka sii mid ahaanshiiyaha kooxdaas