Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo Gaaray Magaalada Riyaad (SAWIRRO)

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa gaaray caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo uu uga billaabmay safarkii ugu horreeyay ee uu dibadda ku tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Trump ayaa maanta la kulmi doono boqor Salmaan, waxaana uu Axada beri ah khudbad u jeedin doonaa hogaamiyayaal ka socda in ka badan 40 dal oo Muslim ah.

Shirweynahaasi waxaa xoogga lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah ururrada xagjirka ah.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa in kulamadaasi lagu kala saxiixdo heshiisyo gacansi oo ku kacaya balaayiin doolar.

Balse booqashada Trump ayaa waxaa hareeyay baaritaanka lagu hayo xiriirka la sheegay in kooxdiisii ololaha doorashada ay la samaysay Ruushka.

Safarkiisa oo 8 cisho qaadan doona ayaa sidoo kale waxa uu ku mari doonaa Israa’iil, dhulka Falastiiniyiinta, Brussels, Vaticanka iyo Sicily.

©Goobsan  Media