Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo sheegay in DF wakiil ay ka tahay Siyaasada dibadda

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay arrimaha siyaasadda Dibadda in ay wakiil ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, muhiimna ay tahay in looga dambeeyo.

Wuxuu sheegay doorka dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin arrimaha siyaasadda Dibadda in uu yahay talo bixin iyo farsamo oo keliya, balse aanay aheyn in ay ka talaabo dheereeyaan Dowladda Federaalka.

“Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ku taliyay in la dhowro dastuurka dalka u yaala oo qeexaya awoodaha Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay kala leeyihiin.

“Waxaa lagu heshiiyay dastuur weli qabyo ah, dastuurkana waxa uu qeexayaa masuuliyada ay leedahay dowlada dhexe,waxa kale oo uu qeexayaa awoodaha ay leeyihiin Maamul Goboleedyada.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxda Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan cadeeyay inay taageersan yihiin dalalka Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, sidoo kale waxaa go’aanka hore u taageeray Madaxweynihii kalsoonida lagala noqday ee Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.