Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali CabdulaahI Cosoble ayaa goor dhow gaaray magaalaa Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe iyadoo garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Axmed Barre,wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa fadhi ka dhigtay magaalada Muqdisho ku dhowaad muddo bil ka badan, waxaana uu u tegay Jowhar si uu uga badbaado qodob Dastuuri ah oo sheegaya inuusan madaxweynaha ka maqnaan karin xarunta maamulka muddo ka badan laba bilood.
Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan magaalada Jowhar iyadoo xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ay wadaan olole kale oo lagu doonayo in xilka looga qaado Cali C/llaahi Cosoble, waxaana lagu eedeeyay shaqo gudasho la’aan iyo inuusan ku shaqeynin xarunta maamulkiisa, kana warqabin xaaladda degaanada hoos taga maamulkiisa.
Sida ay wararku sheegayaan Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa haatan kulamo gaar ah oo ay albaabadu u xiran yihiin waxa uu la leeyahay Madaxweyne ku xigeenka,guddoomiyaha baarlamaanka iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Waxaa lagu wadaa in goordhow saxaafada uu la hadlo Madaxweyne Cosoble iyadoo dib ugu soo laabashada Madaxweynaha Hirshabeelle ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.
SAWIRO