Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale geelle (Xaaf) ayaa maanta shir gudoomiyay Kulankii Golaha Wasiirada.
Kulankaan oo ahaa kulankii todobaadlaha ayaa ahaa mid muhiimad gooniya leh kaasoo diirada lagu saaray tilaabooyinka ay Galmudug horay u qaaday iyo waxyaabaha qabyada ka ah oo qorshahoodana uu wali socdo.
Wasiirada Galmudug ayaa soo jeediyay in ay Muhiim tahay in loo gurmado dadka Tabaalaysan mudada lagu guda Jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Waxaa sidoo kale kulanka Maanta looga hadlay Xaalada amni ee Galmudug iyo qorsha Bisha Ramadaan, sidoo kale waxaa diirada lagu Saaray kulanka Golaha wasiirada Heshiiska Galkacyo ee Galmudug iyo Puntland.
Madaxeynaha Maamul Goboleedka Galmudug ayaa dhowaan lagu caleema saaray Magaalada Cadaado isla markaana ay kasoo qayb galeen Mas’uuliyiinta Dowladda Federalka ugu sareeysa.
Mudane Xaaf ayaa horay u balan qaaday in uu la imaan doono siyaasad Fur furan taasoo uu doonayo inuu dhan walba ka hormariyo Maamulka Galmudug.
SAWIRO