Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu waddaa in uu maanta tago Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Mudug ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu maanta tagi doono Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Galmudug oo Saddexdii Bishii hore lagu doortay Cadaado ayaa wali tagin Magaaladaasi intii uu Madaxweyne ahaa.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug,waxa uuna markii uu tago magaalada Gaalkacyo uu la kulmi doonaa Bulshada qeybaheeda kala suwan isagoo kala hadli doona arimo ay kamid yihiin amniga iyo waliba dib u heshiisiinta dadka dega Waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo oo horay u wada dagaalamay.
Qaban qaabadii u dambeysay ee soo dhaweynta Madxweyne xaaf,ayaa iminka ka socota koonfurta Magaalada Gaalkacyo,iyadoona amaanka si aad ah loo adkeeyay.