Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka hadlay siyaasadiisa ku aadan Nabadeynta Galmudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa waxa uu ka hadlay wada hadlaka Galmudug ay la yeelaneyso maamulada Puntland iyo Ahlusuna.

Waxa uu sheegay arrimaha Dib u heshiisiinta iyo Nabadgelyada in ay hada ugu culus tahay, balse wuxuu tilmaamay in ay ka shaqeynayaan arrimahaasi.

Madaxweyne Xaaf wuxuu kaloo sheegay in ay wada hadal ka bilaabayaan Gaalkacyo , Caabud-waaq, Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay wada hadal kula yeelanayaan masuuliyiinta Puntland iyo Ahlusuna.
Arrimaha Amniga ayuu sidoo kale soo hadal qaaday Madaxweyne Xaaf, wuxuu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen Nabadgelyada.

Xaaf ayaa sheegay muranka Ahlusuna in uu yahay mid siyaadeed, balse ka Galmudug ahaan ay diyaar u yihiin sidii ay u dhameyn lahaayeen murankaasi.

Madaxweyne Xaaf ayaa looga fadhiyaa inuu waxqabadkiisa banaanka soo dhigo asagoo kaashanaya Khibradiisa siyaasadeed maadaama uu yahay nin Siyaasada Soomaaliya wax badan kala socdo isla markaana muddo kusoo dhex jiray.