Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wakiilka Q/M u qaabilsan Soomaaliya Meicheal Keating.
Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday Sidii Taageero buuxda u heli lahaa Maamul goboleedka Galmudug.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Magaalada Cadaado madaxweynaha Galmudug.
Qaramada Midoobey ayaa u balan qaaday Madaxweyne Xaaf in ay siin doonto taageero weyn oo ku aadan Horumarinta degaanada Galmudug.
Madaxweynaha cusub Galmudug ayaa wadda dadaallo kala duwan oo ku aadan sidii uu taageero uga heli lahaa Beesha Caalamka.