Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ugu horaysay wada hadaladii maamulka Ahlu-Sunna asagoona sheegay in uu ka codsanayo Baarlamaanka Galmudug in ay siiyaan waqti dheeri ah oo uu kula hadlo maamulka Ahlu-Sunna.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aysan meelna kala jirin Ahlu-sunna iyo Galmudug balse ay jiraan waxyaabo la isku maan-dhafsanyahay haddi sida saxda ahna loo wajaho ay suuragal tahay inuu wada hadalkaas guuleysto.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda maamulka Ahlusunna in ay muujiyaan Tanaasul si ay gacmaha isku qabsadaan oo wada jir ay ugu adeegaan Bulshada Galmudug.
Waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ka codsadeen in uusan soo dhisin wax wasiiro ah , asagoo aan soo gabagabeyn wadahadalada maamulka Ahlusunna .
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa amar ku siiyay Wasiiradii xukuumaddii Cabdikariin in ay si deg deg ah ugu laabtaan Xafiisyadooda.
Waxaa uu xusay in ay shaqeyn doonaan tan iyo inta laga soo dhisaayo Wasiirada cusub, isagoona xildhibaanada Galmudug ugu baaqay in ay la xisaabtamaan Wasiiradaasi.
Axmed Ducaale ayaa ku canaantay Wasiirada in ay shaqadooda qabsadaan Wasiir walbana laga doonayo inuu ka warhayo bulshada uu matalo iyo degaanka uu kasoo jeedo taasoo uu ku sheegay in ay u sahli doonto wada shaqaynta kala dhaxaysa Bulshada.