Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Xayiraada looga qaaday Abu Mansuur

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shriif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo dhaweeyey liiska argagixisada ee Mareykanka uu ka saaray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sharif Xasan Oo u Waramayay Idaacada VOA ayaa sheegay in tallaabada Xayiraada looga qaaday Roobow ay wax weyn ka beddeli karto in amni lagu soo dabbaalo gobollada Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa dhinaca kale sheegay in haddii Abu Mansuur uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ay noqon lahayd arirn wanaagsan, wuxuuna sheegay inuu la xiriir doono uu la hadli doono.

Madaxweynaha Shariif waxaa uu sheegay In Roobow uu Awood u leeyahay inuu Iska difaac karo hadii maleeshiyada Al-Shabaab Soo weerarto,