Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Madiera iyo Taliyaha Guud ee AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin kale.

Kulan gaar ah kadib waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweynaha iyo Danjire Madeira.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga loo xoojin lahaa, iyadoo la isku furayo waddooyinka ay xireen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in Arrimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhamaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen.

AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland.