Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Divid Concar (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyay oo ay yeeshaan Madaxweynaha Jubbalad iyo Danjiraha cusub ee UK ayaa lagaga hadlay Xaalada Abaaraha ee Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland iyo sidii Dowlada Ingiriisku ay gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda.

Sidoo kulanka waxaa diirada lagu saaray Arrimaha ammaanka iyadoo Danjirahu Madaxweynaha Jubbaland uu ku amaanay sida ay uga go’antahay in lala Dagaalamo Shabaab.

Dhinaca Siyaasada ayay sidoo kale Masuuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa Dowladda cusub ee uu Hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/laahi (Farmaajo) waxaana uu Safiirku mar kale Jubbaland u soo gudbiyay codsiga Dowladda Ingiriiska ee ah in ay ka soo qayb gasho Shirka Dhaqaalaha loogu yaboohayo Soomaaliya ee bilawga bisha soo socota ka furmaya Magaalada London,