Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf oo maanta Safar dhulka ah ku tagaya magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle Xaaf ayaa lagu waddaa in uu maanta tago Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug oo Saddexdii Bishii hore lagu doortay Cadaado ayaa wali tagin Magaaladaasi intii uu Madaxweyne Ahaa.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Gaalkacyo ku taagaya Safar dhanka dhulka ah waxaana la adkeeyay Ammaanka degaanada uu sii maraayo Madaxweyne Xaaf ayaa si weyn loo adkeeyay.

Markii uu tago Gaalkacyo ayaa waxa uu la kulmi doonaa waxgaradka Magaalada Gaalkacyo isagoo kala hadli doona xoojinta dhanka amniga iyo waliba sidoo kale sidii dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay sinabad ah ugu noolaan la haayeen.

Madaxweyne Xaaf,ayaa munaasabadii Caleemo-Saarkiisa waxa uu ka sheegay in uu bilaabi doono kulamo dib u heshiisiin ah waxa uuna heshiis Cadaado kula saxiixday Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,oo Ciidamadisa iyo kuwa Galmudug ay dhowr mar wada dagaalameen.