Madaxweynaha Ciyaaraha Africa Oo Muqdisho Yimid

Waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka soo dagay madaxweynaha ururuka CAF ee Qaarada Africa.

Wasiirka Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye  iyo madax ka tirsan xariirka Kubada cagta dalkeena ayaa soo dhaweeyey Masuulkan, oo lagu magacaabo Axmed Axmed, kaasi oo mar dhaweyd loo doortay inuu hogaamiyo ururka ciyaaraha ee qaarada Africa, kana guuleystay guddoomiyihii hore, Ciise Xayaatu oo u dhashay dalka Cameroun, oo muddo 29-sanno hayey Xilkaasi.

Mdaxaweynaha CAF ayaa kulamo la qaadan doona inta uu joogo magaalada Muqdisho madaxda wasaarada ciyaaraha iyo xariirka kubada cagta Soomaaliya.