Wararka aan ka helayno Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Kililka ayaa Sheegaya in guud ahaan deegaanka gaar ahaan Magaalada Jigjiga uu isbadalay Jawiga Magaalada kadib Markii gudiga Fulinta Maamulkaas ay ku dhawaaqeen in Madaxwaynihii deegaanku uu Xilkii ka dagay isla Markaana gudiga Fulinta Maamulka Kiliku ay si KMG ah Madaxwaynaha deegaanka oogu Magacaabeen Axmed Cabdi Maxamed oo ahaa Xubin kamid ah gudiga Fulinta ahaan Wasiirkii Maaliyada Maamulka Kililka.
Isbadalka Gudiga Fulinta Maamulka Kililka ay imanaysa kadib Markii ilaa Xalay ay Socdeen wadahalo u dhexeeya Maamulka Kililka iyo Wafdi ka socday DF Ethiopia,oo cadaadis Xoog badan saaray Madaxwaynihii hore ee deegaanka Cabdi Iley,oo isaga diiday in uu si toos ah isu casilo.
Xogta hoose ee aan ka helayno Magaada Jigjiga ayaa Sheegaysa in Mas’uuliyiinta Maamulka Kililku ay go aanka gaadheen Kadib Markii ay Shirar wadatashi yeeshaan waxgaradka deegaanka iyo Siyaasiyiin daneeya Xaalada Gobolka,waxayna kaga hortagayeen in Dowladda dhexe ay gaadho go anaaka isbadalka Maamulka Kililka lagu samayno.
Sidan aan Warar hoose ku helay Cadaadiska DF Ethiopia kagaga imanayey Maamulka Deegaanka ayaa Sababay isbadalka deg deg ah, Dhankale DF Ethiopia Wali kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan isbadalka Maamulka Kililka lagu sameeyey.