Madaxtooyada Soomaaliya Oo Lagu Qabtay Askar iyo shaqaale xiriir la leh Al-shabaab

lo ku dhow Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa sheegay in la soo gebagebeeyey Hawlgal Baaritaanka ee laga waday gudaha Villa Somalia.

Hawlgalkan ayaa lagu soo xiray 2 Askari iyo qof ka tirsan Shaqaalaha Villa Somalia, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.

Saraakiisha Villa Somalia wey ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan Hawlgalkaasi oo socday tan iyo Barqanimadii maanta.

Ammaanka gudaha iyo nawaaxiga Villa Somalia ayaa la sheegay in aad loo adkeeyey, waxaana la xadiday isku socodka Dadka iyo Gaadiidka geli jirey ama ka bixi jirey Xarunta Madaxtooyadda oo hoy iyo Xafiisyo u ah Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda sare ee dalka.

© Goobsan Media