Madaxda ugu Sareysa Maamulka Galmudug oo Dhexdhexaadin looga bilaabay magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug sidda Madaxweynaha ,Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sababata ay Muqdisho u yimaadeen ayaa waxa ay tahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka ka taagan Madaxda Sare ee Galmudug.

Waxgarad kasoo jeedda maamulka Galmudug , dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka ayaa garwadeen ka ah Wadahadalka u furmay Madaxda Galmudug sidda xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray Kulamo dhexmaray dhinacyadda dhexdhexaadinta Wadda sidda ay xaqiijiyeen Wasiiro ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa doonaya in xal buuxa laga gaaro Khilaafka taagan,iyadoo aan lagu laaban doonin iskudarkii Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dhankooda waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xaaf uu sameystay Afar sano oo cusub oo uu hoggaamin doona Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay ugu baaqay in Madaxda Galmudug ay yimaadaan Muqdisho si Khilaafkooda loo xaliyo.